Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo sheegay in ay ka go’an tahay hubinta Odayaasha Ergada Xulaya

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada dadban ayaa sheegay in ay ka go’an tahay tahay hubinta iyo xaqiijinta Odayaasha xulaya ergada, hubinta ergada iyo musharaxiinta.

War saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayuu ugu baaqay guddiyada doorashada ee maamul goboleedyada inay dhaqan geliyaan habraacyada lagu heshiiyay.

“Waa in musharaxiinta tartamaysa,guddiyada soo xulaya ergooyinka iyo ergooyinka dooranaya xildhibaanka ay buuxiyaan shuruudaha loo dejiyay ee ku xusan heshiisyada iyo habraacyada lagu heshiiyay.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay guddiga xalinta khilaafaadka.

War Saxaafadeedkan ayaa soo baxay xilli uu guddoomiyaha cusub ee guddiga xalinta khilaafaadka uu ku sugan yahay magaalada Garowe oo maanta lagu doortay shan xildhibaan.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka guddiga xalinta khilaafaadka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More