Guddiga Xallinta khilaafkaadka doorashooyinka oo ka horyimid habraaca doorashada Somaliland

Qoraal ka soo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa ka soo horjeestey qodob kamid ah habraacyadii ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka Gobollada Woqooyi.

Qodobka ay diideen guddigan ayaa ah mid sheegaya in wixii khilaafaad ah ee ay Guddiga xulista ergooyinka beeluhu xallin kari waayaan ay xallin doonaan Guddoonka Sare ee Doorashooyinka Somaliland.

Habraaca ay soo saareen Guddoomiyaha aqalka sare iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa meesha ka saaray doorka Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ay soo saareen guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka;

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More