Guddoomiyaasha Gobolada Banaadir iyo Sh/hoose oo kala hadlay Taliyaha Amisom dad lagu diley Golweyn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa si wadajir la kulmay saraakiisha qeybaha Amisom iyo sidoo kale taliyaha ugu Sareeya howlgalka nabad ilaalinta Amisom ee Soomaaliya General Ndegeya Diomede.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii baaritaan deg deg ah loogu sameyn lahaa dhacdadii argagaxa laheyd ee ciidamada Amisom ku xasuuqeen Allaha Unaxariistee dad shacab ah oo ku nool deegaanka Goolweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa u sheegay Madaxda Amisom inaan la aqbali karin falkaasi gurcan ee lagu dilay 7-qof oo shacab ah, islamarkaana loo baahan yahay in marxuumiintaas iyo eheladooda si deg deg ah u helaan cadaalad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More