Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo gunada ka jaray xildhibaano

Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in xubo ka mid ah baarlamaanka Galmudug qaarkood Mushaarka laga jarayo isla markaana laga ganaaxayo qaar ka mid ah kulamada baarlamaanka.

Warqaddaan ayaa lagu sheegay in 6 Xildhibaan laga joojiyey gunadda 2 bil iyo ka qeybgalka 4 Fadhi.

Xildhibaanadaan ayaa lagu eedeeyay in ay diideen in ay noqdaan kuwa taageersan Madaxweyne Qoorqoor oo aan waxba ka sheegin dhaliilaha maamulka Galmudug.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More