Aug 12 (Jowhar)-Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Federalka Soomaaliya Cabulqaair Maxamed Nuur ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay gudoomiye ku xigeenka koowaa ee Baarlamaanka Sacdiyo Yaasiin Xaaji oo ahayd kusimaha guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed.
Xaflad uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa lagu qabtay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana ka qeyb galay Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar,
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo mas’uuliyiin kale.
Ugu horreyn, Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo xafladda ka hadlay ayaa u mahadceliyey Guddigii Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo sidoo kale ku ammaanay Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, hoggaamintii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee ay soo qabatay muddadii ay ahayd Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa iyaduna uga mahadcelisay Guddigii Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka habkii hufnaa ee ay u maamuleen doorashadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo tilmaantay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta iyo sii ambaqaadidda howlaha Golaha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ugu dambeyn xafladda ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Guddoomiye kuxigeenka Koowaad hoggaamintii Golaha Shacabka muddadii ay ahayd Kusimaha Guddoomiyaha, iyo sida ay u maareysay howlaha Golaha.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ballanqaaday inuu Golaha Shacabka ku hoggaamin doono si caddaalad, hufnaan iyo wadajir ku dhisan, isagoo xusay in mudnaanta koowaad la siin doono xoojinta shaqada sharci-dejinta, ilaalinta doorka dastuuriga ah ee Golaha iyo ka shaqeynta danta guud.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Golaha Shacabka uu si wadajir ah uga shaqeyn doono xaqiijinta yoolalka iyo himilooyinka uu hiigsanayo Golaha, isagoo ku boorriyey dhammaan Xildhibaannada inay si wadajir ah uga qeyb qaataan gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.





