Guddoomiyaha gobolka Narok ee dalka Kenya oo ka badbaaday shil diyaaradeed

Guddoomiyaha gobolka Narok ee dalka Kenya Samuel Tunai ayaa maanta ka badbaaday shil diyaaradeed kadib markii diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah ay kula dhacday deegaanka Enenkipejus ee waqooyiga gobolka Narok.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in guddoomiyaha gobolka Narok uu ka soo laabanayay aas mid kamid ah duqeyda gobolkaas loo sameynayay.

Diyaarada ayaa soo wajahday cillad farsamo waxaana ku adkaatay inay sii wadato safarkeeda.

Duuliyihii diyaarada iyo afar ruux oo kale oo la socday guddoomiyaha Narok ayaa ka badbaaday shilka diyaaradan.

Guddoomiye Tunai oo saxaafada Kenya la hadlay ayaa sheegay in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay isla markaana loo qaaday magaalada Nairobi si loogu sameeyo baaritaan kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More