Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka

May 24 (Jowhar.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa Muqdisho ku qaabilay masuuliyiin ka socota Hay’adda Naafada Qaranka oo uu hoggaminayo Guddoomiyaha Maxamed Cabdullahi Jaamac.

Madaxda Hay’adda Naafadda Qaranka ayay Guddoomiyaha u soo jeediyeen in fursado badan oo lagu horumarin karo la siiyo si ay u helaan xuquuq dhameystiran.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu garab taagnaan doono dadka aan lixaadkooda dhameystirneyn is la markaana Baarlamaanka uu noqon doono mid xuquuqdooda looga doodo dadaal dheerna lagu bixin-doono garab istaaggaa naafada qaranka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More