Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud oo Shaqo Joojin lagu sameeyay
Aug. 02 (Jowhar.com)-Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa shaqada ka joojiyey guddoomiyaha xiriirka cayaaraha fudud Marwo Khadiijo Aadan Daahir kadib amar ka soo baxay Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliyeed.
Qoraal ka soo baxay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Marwo Khadiija lagu sameeyey shaqo joojin ku meel gaar ah kadib markii ay ku kacday ku takrifal awoodeed oo la xiriirta soo xulista gabadhii u meteleysay tartanka ciyaaraha orodada jaamacadaha adduunka dalka Soomaaliya.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa amray in shaqada laga joojiyo Gudoomiyaha Xiriirka Cayaaraha Fudud ee Soomaaliyeed Khadiijo Aadan Daahir.
Go’aankan ayaa la xiriira fadeexad ka dhalatay sida loo xulay gabar Soomaaliya ku matashay tartanka orordada Jaamacadaha Adduunka.
Wasiirka ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Xiriirka Ciyaaraha Jaamacadaha Soomaaliyeed, oo ahaa xirriirkii magaciisa looga qeyb galay tartanka oo ka dhacay dalka China, aysan wax diiwaan galin ah ka haysan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed.
“Waxaa wasaaradda u caddaatay, in Nasro Abuukar Cali aysan ahayn Ciyaaryahanad orodada ka tirsan, iyo in marwo Khadiijo Aadan Daahir oo ah Gudoomiyaha Xirriirka Ciyaaraha Fudud ay samaysay ku tagrifal awoodeed, eex iyo sumcad dil qaran,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasiirka.
Baraha Bulshada ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay waxaa hareeyay muran ku saabsan gabar ku ordaysa magaca Jaamacadaha Soomaaliya oo ka qaybgashay tartanka Jaamacadaha dunida ee lagu magacaabo FISU, oo sannadkan lagu qabtay magaalada Chengdu ee dalka Shiinaha.