Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka Wadani Cabdiraxmaan Cirro oo laga helay cudurka Covid-19
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro ayaa laga helay cudurka Covid-19.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in baaritaan lagu sameeyay laga helay cudurka isla markaana uu iskarantiilay.
“Maanta waxa la iga helay Corona Virus [covid19] baadhis kaddib. Waxa aan ku jiri doonaa karantiin-iskay ah oo toddoba maalmood ah sida dhakhtarku ku taliyey. Caafimaadkayguna aad buu u fiican yahay ayuu yiri”ayuu soo qoray Cabdiraxmaan Mudane Cirro.
Waa mas’uulkii ugu sareeyay ee laga helo cudurkan deegaanada Somaliland iyadoo hore boqolaal ruux loogaga helay cudurka Covid-19.