Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ku baaqay in la mideeyo guddiga doorashada gobolada Waqooyi

War-saxaafadeed ay soo saareen xubnaha uu hormuudka u yahay guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi ayey kaga warbixiyeen halka uu marayo khilaafka iyo xal u helidda caqabadahii hortaagnaa doorashada kuraasta labada aqal ee xildhibaanada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi.

Guddiga ayaa sidoo kale ra’iisal wasaare Rooble ugu baaqay in uu ficil ahaan uga dhabeeyo ballanqaadyadii uu sameeyay iyo gudashada masuuliyaddii lagu aaminay ee habsami u socodka howlaha doorashooyinka Qaranka iyo tan xildhibaanada labada Gole ee Somaliland inay u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

Qoraalka ayaa loogu baaqay ra’iisul wasaare Rooble inuu mideeyo guddiga doorashada gobolada waqooyi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More