Guddoomiye Gobol oo lagu diley Darfur kadib markii uu eedeeyn u jeediyay RSF
Jun. 15 (Jowhar.com)-Guddoomiye gobol ka tirsan Darfur ee dalka Suudaan ayaa la dilay saacado kadib markii uu ku eedeeyay jabhadda Rapid Support Forces (RSF) inay ka geysteen gobolkaas xasuuq.
Wareysi uu siiyay TV-ga, ayuu guddoomiye Khamis Abakar waxa uu ku codsaday faragelin caalami ah si loo joojiyo rabshadaha ka socda Galbeedka Darfur, isaga oo ku eedeeyay RSF iyo xulafadeeda maleeshiyada Carabta.
Colaadda laba bilood ka hor ka dhex qaraxday RSF-ta iyo ciidamada Sudan ayaa sii hurisay xiisadda qowmiyadeed ee gobolka Darfur. Ciidanka ayaa sheegay in RSF ay afduubteen Abakar kadibna ay toogtaan, taas oo ay RSF beenisay. Waa mas’uulkii ugu sarreeyay ee la ogyahay in la dilay tan iyo markii ay billowdeen iskahorimaadka bishii Abriil.
Muuqaalo ku wareegaya baraha bulshada ayaa u muuqda in ay muujinayaan koox hubeysan oo qaarkood xiran dareeska RSF-ta oo xabsiga dhigayay guddoomiyaha gobolka Galbeedka Darfur Arbacadii.
Laakiin RSF waxay ku eedaysay dhimashadiisa dambiilayaal, iyagoo sheegay in dagaalyahannadooda ay isku dayeen inay difaacdaan Abakar iyagoo geeyey xaruntooda El Geneina, oo ah caasimadda Galbeedka Darfur. “Kadib waa laga awood roonaaday dagaalayahanadeena guddoomiyihiina waa la afduubay oo waa lau dilay “, RSF ayaa tiri.
Bulshooyinka Madaw ee Afrikaanka ah iyo kuwa Carabta ah ee ku dhaqan Darfur ayaa in muddo ahba colaadi u dhaxaysay, iyada oo rabshadihii ugu xumaa ay dhaceen labaatan sano ka hor markii dad aan Carab ahayn ay hubka qaateen iyagoo dawladda ku eedeeyay takoor.
“Dadka rayidka ah waxaa loo dilaa si aan kala sooc lahayn oo tiro badan,” ayuu guddoomiye Abakar u sheegay TV-ga Al-Hadath ee Sucuudiga laga leeyahay Arbacadii, isagoo sheegay in ciidamadu aysan waxba u qabanayn inay caawiyaan kuwa la weeraray.
Todobaadki hore waxa uu u sheegay idaacada BBC-da ee laanta afka carabiga ee Sudan in dilalka ay si gaar ah u bartilmaameedsanayeen kooxdiisa Massalit: “Magaalada El Geneina waxaa laga soo weeraray saddex jiho: bari, koonfur iyo galbeed.”ayuu yiri Khamiis guddoomiyihii la diley.
“Dadkan waxaa lagu weeraray guryahoodii iyo xeryo barakac, dadka waxaa la beegsadaa maalin walba, iyadoo lagu saleynayo qowmiyadda ay ka soo jeedaan.”
War qoraal ah oo ay ku cambaareeyeen dilkiisa, ayay ciidamadu ku sheegeen in guddoomiye Abakar uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii jabhadihii hore ee saxiixay heshiiskii nabadeed ee taariikhiga ahaa ee 2020-kii oo jabhadaha ku soo biiray dowladdii ku meel gaarka ahayd ee xilligaas jirtay.
Wareysi uu siiyay BBC-da Sudan Lifeline, ayuu guddoomiyuhu ku sheegay in guud ahaan Galbeedka Darfur oo ka mid ah shanta gobol ee gobolka dahabka qaniga ku ah ee Darfur ay soo food saartay xaalad naxdin leh.
“Waxaan ugu baaqayaa beesha caalamka inay si deg deg ah u farageliyaan Galbeedka Darfur si loo badbaadiyo kuwa ku haray gobolka,” ayuu yiri Khamiis.
Toddobaadkii hore, hay’adda samafalka ee gargaarka caafimaadka Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa sheegtay in qiyaasaha ay soo jeedinayaan in ugu yaraan 500 oo qof lagu dilay El Geneina oo keliya.
Abakar ayaa BBC-da u sheegay in ka badan 2,000 oo qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen, kuwaas oo ku go’doonsan magaalada oo aan awoodin in la daweeyo.
Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in ka badan 100,000 oo qof ayaa hadda ka qaxay dagaalka ka socda Darfur iyaga oo ka gudbay xadka Chad.