Guddoomiye ku xigeenka doorashooyinka Somaliland oo sheegay in laga been abuurtay

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashada ee Somaliland C/shakuur Abiib Hayir ayaa nasiib darro ku tilmaamay in laga been abuurtay qoraalka xubno ka tirsan Guddiga SEIT ee Somaliland ay soo saareen, isagoo caddeeyay mowqifkiisa shaqsiyadeed, isla markaana aanu isagu aheyn Guddoomiye Kuxigeen Koox gaar ah.

Waxaa uu sheegay in jahwareerka siyaasadeed laga madax banaaneeuo guddiga, isla markaana aan lagu dhex milin howlaha siyaasiga, si doorashada u socoto qaabka ku cad habraacyada iyo heshiisyadii la gaaray

Qoraalka waxaa uu ku sheegay in jahwareerka siyaasadeed laga madax banaaneeyo guddiga, isla markaana aan lagu dhex milin howlaha siyaasiga, si doorashada u socoto qaabka ku cad habraacyada iyo heshiisyadii horay loo gaaray.

Xubnaha Guddiga Maamulaya doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo ka kala socda labada Garab ee Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, waxaana ay yihiin kuwo ku loolamaya arrimaha doorashooyinka.

Halkan ka aqriso qoraalka uu soo saaray guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Somaliland;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More