Guddoomiye Mursal iyo Muudey oo ku biiray shirka Musharaxiinta Madaxweynaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad C/weli Muudeey ayaa caawa ku biiray shirka Musharaxiinta Madaxweynaha uga socda Hotel Jazeera.

Shirkan oo galay maalintii saddexaad ayay Musharaxiinta kulamo gaar gaar ah la yeelanayeen Mas’uuliyiinta dowladda ku jira iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa la filayaa shirka Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Guddoonka Golaha Shacabka ay diiradda ku saareen xaalada siyaasadeed ee dalka, arrinta Guddiga doorashada ee muranka ku jira.

Guddoomiye Mursal iyo Muudey ayaa ah mas’uuliyiin si weyn ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, iyagoo door weyn ku lahaa ridistii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre..

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkooda yahay mid nabadeed oo lagu saxayo qaladaadka doorashooyinka ku jira iyo in dalka aanu dhabihii dimoqraadiyadda ka weecan.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More