Guddoomiyihii Baarlamaanka Maxamed Mursal oo ku guuleystey doorasho ka dhacday Baydhabo

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta ka billaabatay magaalada Baydhabo, ayada oo doorashada maanta ay ku tartamayeen Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamanaka Soomaaliya iyo mudane Feysal ibraahim Xasan.

Kursiga koowaad ee doorashadii maanta la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo markale ka mid noqday xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Mursal ayaa helay 88-cod oo uu kaga guuleystay musharaxii kale ee la tartamayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More