Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka gobolka Sool oo la diley

Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool Cabdullaahi Laba-go’le ayaa xalay lagu diley magaalada Laas-Caanood ee gobolka Sool.

Allaha u naxarisitee Cabdulaahi Laba-go’le oo caan ka ahaa gobolka Sool ayaa dabley hubeysan waxa ay ku dileen bartamaha magaalada Laas Caanood.

Lama oga ujeedka dilka marxuumka oo ka mid ahaa madaxdii guddigii doorashadii ka dhacday dhowaan maamulka Somaliland gaar ahaan gobolka Sool.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaliland ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo baaritaano wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More