Guddoonka Baarlamaanka oo digniin adag u diray xildhibaanada ka maqnaada fadhiyada

0
84
Screenshot

Nov 22(Jowhar)- Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa digniin adag u diray xildhibaanada si joogto ah uga maqnaada fadhiyada iyagoo aan cudur daar ka bixin, iyadoo guddoonka uu sheegay in tallaabooyin isla xisaabtan iyo masuuliyad lagu sugayo mustaqbalka dhow ay ku dhaqaaqi doonaan.

Habdhoowraha Golaha Shacabka, Maxamed Cabdullaahi Nuux, ayaa fadhigii maanta ka akhriyey magacyada xildhibaanadii ka maqnaa kulaiii maanta ee Golaha, isaga oo tilmaamay in lagu dhaqmi doono nidaamyo xaqiijinaya isla xisaabtan iyo mas’uuliyad dhanka kaqaybgalka kulamada Baarlamaanka.

“Waxaa jira xildhibaanno si joogto ah uga maqnaada fadhiyada Golaha iyagoo aan cudur daar bixin,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Nuux.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa sidoo kale cambaareeyey maqnaanshaha aan sababta lahayn, isagoo xildhibaanada ku boorriyay inay ka jawaabaan waajibaadka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Xildhibaannada sababta la’aanta ka maqan kulamada Golaha waxaan leeyahay — waajibaadkii ummadda Soomaaliyeed ay idin dooratay ayaad dayacdeen. Fadlan soo xaadira kulamada Golaha,” ayuu Guddoomiyaha ku adkeystay intii uu la hadlayay warbaahinta.

Guddoonka ayaa la filayaa inuu soo saaro nidaam qoran oo cadeynaya qaabka loo maareynayo maqnaanshaha, taasoo ay ka mid noqon karto digniin rasmi ah, jarista mushaarka qaar, ama tallaabooyin kale oo sharci ah marka loo baahdo. Xildhibaanada la liiska ku jira ayaa loogu yeeri doonaa in ay faahfaahiyaan sababtooda ka maqnaanshaha si loo qiimeeyo xaaladdooda.