Guddoonka Golaha Shacabka oo beeniyay in xil ka qaadis lagu sameynayo Rooble

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu jiro isku day la doonayo in xilka looga qaado Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in kulanka Sabtida uu ku hor imaanayo Madaxweynaha uu yahay mid dib loogu noqonayo ansixinta iyo hirgelinta heshiiskii 17 September si dalku u galo doorasho.

“Waxaa magaalada la soo geliyay warar lagu been abuuranayo Golaha Shacabka oo sheegaya in la damacsan yahay in xilka laga qaado Ra’iisul Wasaare Rooble.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii Warbaahinta ay soo gudbisay xogo sheegaya inuu jiro qorshe ay damacsan yihiin Xildhibaanada oo ah in xilka laga qaado Ra’iisul Wasaare Rooble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More