Guddoonka Golaha Shacabka oo iclaamiyay fadhi gaar uu kula hadlayo Farmaajo

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa iclaamiyay fadhi gaar ah oo aan caadi aheyn oo maalinta Sabtida ay yeelanayaan Xildhibaannada.

Fadhigan aan caadiga aheyn ayaa waxaa Golaha Shacabka kula hadlaya Madaxweyne Farmaajo, si uu ugu sheego inuu dib loogu noqonayo heshiiskii doorashada ee 17 September, isla markaana looga laabto muddo kororsigii labada sano.

Xildhibaannada dalka dibadiisa ku sugan iyo kuwa gobolada dalka ku maqan ayaa la faray inay si degdeg u soo galaan Muqdisho, si ay u soo xaadiraan fadhiga aan caadiga aheyn ee maalinta Sabtida.

Halkan hoose ka akhriso:-

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More