Gudoomiyaha FEIT oo gaaray Baydhabo & kulamo ka bilowday xarunta madaxtooyada

April 13 (Jowhar.com)-Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal FEIT Muuse Geele iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo, iyadoo halkaasi ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin kala duwan.

Wafdigan oo kabaxay Muqdisho ayaa xarunta gobolka Baay u tagay xalinta tabashada ay Koofur Galbeed ka qabto dhaarinta xildhibaanada cusub oo lagu balansan yahay beri oo Khamiis ah, 73 mudane oo Koofur Galbeed ah ayaa diidan ka qeyb galka munaasabadda, taasoo soo dadajisay safarka wafdigan.

Gudoomiye Muuse Geele iyo xubnaha la socda ayaa haatan kulamo waxa ay xarunta madaxtooyada kula leeyihiin wasiiro ka tirsan koofur Galbeed, kulamadan ayaa gogol xaar u ah kulan balaaran oo saacadaha soo socda ay la yeelanayaan madaxweyne C/Casiis Lafta-gareen, lama oga waxa kulamadaasi ka soo bixi doona .

Illaa 73 Mudane oo ka soo jeeda Koofur Galbeed ayaa ku sugan Baydhabo, kuwaasoo aan qaadan shahaadada FEIT, iyagoo ka soo horjeeda in Saddex ka mid ah Xildhibaannada laga soo doorto uu dhowaan Guddiga doorashada FEIT uu waxba kama jiraan ka soo qaadat natiijadooda doorashada, isla markaana go’aamiyay in dib loogu celiyo doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More