Gudoomiyaha Gedo iyo mas’uuliyiin kale oo ku dhaawacmay Ismiidaamin ka dhacday Baardheere

Gudoomiyaha Gedo iyo mas'uuliyiin kale oo ku dhaawacmay Ismiidaamin ka dhacday Baardheere

Mar. 14 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax Ismiidaamin ahaa uu goordhow ka dhacay degmada Baardheere, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa tilmaamaya in qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqklay magaalada si gaar ah loogu weeraray Guriga Martida ee degmada Baardheere, halkaas oo ay degan yihiin mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Gedo iyo Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weerarkan ay dhaawacyo ka soo gaareen Gudoomiyaha gobalka Gedo Axmed Buule Gareed & Abaandulaha qeybta 43aad Labaale, iyagoo ku sugnaa dhismaha la beegsaday.

Waxaa sidoo kale jira askar iyo dad badan oo ku naf waayay qaraxan, waxaana kacsan xaalada magaalada, iyadoo ay dadku wadaan gurmadka dhaawacyada.

Qaraxaasi kadib, kooxda Shabaab ayaa weerar madaafiic ah la beegsatay goobta Ismiidaaminta ay ka dhacday, iyadoo ay dhaawacyo horleh soo gaareen dadkii u gurmaday dhaawacyada qaraxii hore.

Baardheere waxaa maalmihii la soo dhaafay kusii qul qulayay mas’uuliyiin iyo Odayaal dhaqan, waxaana halkaasi ka socday qaban qaabada shir looga tashanayo aayaha gobolka Gedo, iyqdoo madaxweyne Xasan uu dhawaan tagi doono gobolkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More