Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo isku day dil ahaa ka badbaaday.

Sept. 05 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar dagaal yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen kolonyo gaadiid ah uu horkacayay gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo marayay deegaanka Ceel la helay ee gobollka Hiiraan.

Gudoomiyaha oo wata gaadiid fara badan oo dagaal iyo ciidan si aad ah u hubeysan ayaa ka baxay Beledweyn, wuxuuna gurmad ahaan ugu socday deegaanka Maxaas oo shalay uu ka dhacay dagaal khasaare badan uu ka dhashay.

Wararka la helayo waxey sheegayaan in ciidamada uu watay gudoomiyaha ay cagta mariyeen dableydii dhexda u gashay, isagoo iska sii watay socdaalkiisa, waxaana wararkii u dnabeyay ee na soo gaaraya ay tilmaamayaan inuu haatan ku sugan yahay degmada Maxaas oo ujeedkooda socdaalkiisa ahaa.

Si kastaba, Dadka reer Hiiraan ayaa ka careysan weerarkii habeenkii Jimcaha ay Shabaabku ka gaysteen waddada xiriirisa Degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas, ayna ku dileen dad badan oo rayid ah.

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa leh abaabulka iyo dardargelinta hawlgalada Shabaabka hubeysan lagaga saarayo gobolkaasi, isagoo wacad ku maray in Shabaab looga aargudi doono dadkii shacabka ahaa, ee ay ku laayeen jidka Beledweyne iyo Maxaas

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More