Gudoomiyaha golaha shacabka oo gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar

Mar. 02 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Qaahira ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Dalka Masar Amb. Ilyaas Sheekh Cumar iyo masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka dalka Masar.

Sida wararku sheegayaan, Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta la filayaa inuu kulamo la qaati mas’uuliyiinta dalkaasi Masar oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha baarlamaanka dalkaasi, isagoo kala hadli doono kordhinta taageerada Masar ee dalkan iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Si dhab ah looma oga ujeedka rasmiga ah ee socdaalka gudoomiyaha golaha shacabka uu ku aaday wadankaasi Masar, iyadoo waaxda warfaafinta ee golaha shavabka ka gaabsatay tafaasiil arrintaasi la xiriirta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More