Gudoomiyaha golaha shacabka oo ku biiray dadaalada lagu sii deynayo Mukhtaar Rooboow

June 15 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulan gaar ah la qaatay ehelka iyo siyaasiyiinta uu kasoo jeedo Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu-Mansuur) oo dowladdii madaxweyne Farmaajo ay kasoo xirtay Baydhabo isagoo ah musharax Madaxweyne doorashadii madaxtinimada Koofur galbeed ee xilligaas oo ololeheedu socday islamarkaana uu kula tartami lahaa MW Laftagareen balse la xiray doorashadii oo aan dhicin.

Sheekh Rooboow oo wixii intaas ka dambeeyey xabsi guri ku ahaa Muqdisho ayaa hadda ehelkiisa, siyaasiyiin iyo xubno kale waxay xalay la kulmeen guddoomiye Aadan Madoobe.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii uu xorriyadiisa dib ugu helilahaa Mukhtaar Rooboow, Waxaana xubno kulanka ka qeybgalay ay xaqiijiyeen in guddoomiyuhu u sheegay xubnihii uu la kulmay inuu ka shaqeynayo soo deynta Rooboow, walow uusan waqti rasmi ah iyo qaabka uu u marayaba sheegin.

Wixii ka danbeeyay markii uu xafiiska fariistay madaxweyne Xasan Sheekh waxaa soo muuqanayay sawirran laga soo qaaday Rooboow oo ay booqdeen dad isugu jira ehelkiisa iyo qaar kamid ah xisbigii uu ka tirsanaa markii uu u sharaxnaa madaxtinimada Koofur Galbeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More