Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka oo ku dhawaaqay xiliga la qabanayo doorashada kuraasta Boosaaso.

Feb 28 (Jowhar.com) Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geele iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka socdaalkan waxaa lagu sheegay iney qeyb ka tahay dar dar gelinta howlaha la xiriira doorashooyinka, iyadoo laba isbuuc oo kaliya ay ka harsan tahay waqtigii ay qabsadeen in doorashada golaha shacabka lagu soo gabagabeeyo oo eheyd 15-ka bisha Maarso.

Gudoomiye Muuse Geelle oo warfidiyeenka si kooban ula hadlay ayaa sheegay in doorashada ay dhamaad tahay, wuxuuna raja ka muujiyay in mudada yar ay qabsadeen ay howlaha u harsan ugu soo dhamaato, isagoo madaxda Puntland ka dalbaday iney kala shaqeeyaan sidii doorashada loo dadajin lahaa.

Inkastoo uusan rasmi ahaan u sheegin xiliga la qabanayo doorashooyinka 16-ka kursi ee taala Boosaaso, hadana Gudoomiye Muuse Geelle waxa uu carabka ku dhuftay in kowda ilaa shanta bisha Maarso ay rajeynayaan in doorashooyinka Boosaaso la qaban doono.

” Saad la socotaa doorashadii dalka meel fiican ayey mareysaa oo dhamaad ah, saas ayaan u soo booqanany Boosaaso iney tahay deegaan doorashada labaad ee Puntland doorashadeeda loo asteeyay” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Magaalada Boosaaso ayaa ah deegaan doorashada labaad ee caqabadaha badan laga marayo in lagu qabto codeynta kuraasta taala marka laga yimaado magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo, xili ay jirto khilaaf u dhexeeya madaxweyne Deni iyo qoyska reer Diyaano, iyadoo arrimaha la isku hayo ay qeyb ka yihiin qeybsiga kuraasta aqalka hoose.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More