Gudoomiyaha Hiiraan oo si adag uga hadlay caruur Shabaab oo si arxan dara ah loo dilay.

Nov. 03 (Jowhar.com) -Gudoomiyana gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul uga hadlay dil dhawaan rag ka tirsan Macwuusleyda ay gobolka Hiiraan ugu geysteen laba Wiil oo ay dhaleen xubno Shabaab ah.

Mr. Jeyte ayaa fagaare ka sheegay iney dambi tahay in la dilo xaasaska iyo caruurta Shabaab ee aan dagaalka ku jirin, isaga dadka uu lacagata dul dhigay ay yihiin xubnaha Shabaabka iyo Sirdoonkooda ee dagaalka qeybta ka ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa hal qodob inaan caddeeyo amaba iftiimiyo, oo ah dhacdadii maalin dhaweyd ka dhacday Aboorey. Anigu waxaan iri ragga qoryaha wato ee Al Shabaabka ah iyo kuwa sirdoonka ah ee faltamaya madaxooda lacag baan saarnay, Allaha (SWT) wiilka anigu aan dhalay dembiga anigu aan la imaaddo annaa iska leh, wiilka dembiguu la yimaadana, hadduu qaangaarana asagaa iska leh, taasi soo ma cadda? Dembiga aan anigu galay wiilkayga Ilaahay ma u ciqaabayaa? Waa maya, sabab loogu ciqaabaa ma jirto.” ayuu yiri Jeyte.

Cali Jeyte Cismaan ayaa dhinaca kale iska fogeeyay in isaga loo nisbeeyo falalka noocaas oo kale ah, wuxuuna digniin u diray dadka caadeystay ficiladaas oo bulshada xiisad ka dhex abuuri karta.

“Waa ku keligood, waxa aniga aan ka hadlayna ka mid ma ahayn, inaan caddeeyaa rabaa. Birimageedada kuma jirto waxa la dilayo, carruurta iyo dumarka kuma jiraan. Dadka birimageedada ah kuwaa waxaa loo baahan yahay in la xannaaneeyo oo laga saaro howsha shidada ah ee Shabaab ku jiraan, Mowduucaas waxaan rabaa inaan saas u qeexo, ninkii waxaan ka hadlay wax aan ahayn ka shaqeeyay, aniga la iguma dabaqi karo, Soomaali inay fahamtaa rabaa.” ayuu hadalkiisa kusii saray gudoomiyaha Hiiraan.

Si kastaba, deegaanka Abooreey oo ay dilka dhalinyaradaas ay ka dhacday ayaa waxaa ka taagan xiisad dagaal, iyadoo shacabku ay ka caroodeen ficilkaasi, taasoo keentay in madaxtootada Soomaaliya ay si adag uga hadashay oo ay fal wuxuushnimo ah ku tilmaamtay in la beegsado xaasaska iyo caruurta xubnaha Shabaabka ah

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More