Gudoomiyaha xisbiga Wadani oo xukuumada ku taageeray dagaalka Laascaanood

Mar. 04 (Jowhar.com)-Xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland ayaa sheegay in ay Puntland duulaan faragalin ah kusameysay dagaalka Laascaanood, dhankoodana ay garab taagan yihii ka xisbi ahaan ciidamada Somaliland, si ay u sugaan midnimada iyo soo celinta kala dambeynta Laascaanood.

Gudoomiya Ciro ayaa sheegay in dagaalka Laascaano yahay dagaal Sokeeye, wuxuu sheegay in dagaalkaas uula mid yahay midka ka dhaca Hargeysa, Boorama iyo magaalooyin kale.

Beesha caalamka ayuu u diray fariin ah iney la hadlaan Puntland oo si toos ah faragelin ugu sameysay deegaanadooda , sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa wali sii socda, iyadoo labada dhinac ay dhegaha ka fureysteen baaqyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee lagu dalbanayo in xabada la joojiyo, murankana miiska wadahadalka lagu dhameeyo.

Somaliland iyo SSC ayaa midba midka kale ku eedeynaya masuuliyada colaada socota, iyadoo wali magaalada Laascaanood ay ka maqan yihiin dadkii shacabka ahaa oo u barakacay duleedyada magaalada iyo gobolada la deriska ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More