Gudoomiyana gobolka Hiiraan oo Kusimaha madaxweynaha uga warbixiyay howlgaladii u dambeeyay.

Nov. 12 (Jowhar.com) -Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo shaqo u jooga magalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu warbixiyay xaalada gobolka Hiiraan iyo dagaalaada dalka loogu xorreynaayo kooxda Al Shabaab oo jab xooggan lagu gaarsiiyay degaannada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, oo ciidaanka geesiyaasha kala wareegeen degaanno hor leh.

Ku-simaha Madaxweynaha oo boggaadiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiinta ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa ammaanay Ciidanka Qaranka oo har iyo habeen u soo jeeda sidii guud ahaan dalka looga xorreyn lahaa kooxda Khawaariijta Al Shabaab, isagoona kula dardaarmay in la xoojiyo loona midoobo dagaalka Khawaariijta.Gudoomiyana gobolka Hiiraan oo Kusimaha madaxweynaha uga warbixiyay howlgaladii u dambeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More