Gudoomiyana golaha shacabka oo safar deg deg ah ugu anbabaxay dalka Koofur Afrika.

August 30 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhow safar deg deg ahaa ugu ambabaxay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Sida lagu shaaciyay qoraal safarkan uu ka soo saaray golaha shacabka, ujeedka safarla gudoomiyaha ayaa ah sidii uu uga qeyb gali lahaa shirka Guddoomiyeyaasha baarlamaannadda Afrika ee (Pan-African Parliament).

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika wuxuu shirka ku soo
bandhigi doona horumarinta Golaha Shacabka BJFS iyo sidii wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Afrika iyo kan Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulan la qaato Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, isagoo ka dhageysan doona tabashooyinka ay qabaan oo ay ugu horeyso dilalla joogta ah ee loo geysto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More