Gudoomiyihii baarlamaanka Somaliland oo iska casilay xilkaasi
Jun. 10 (Jowhar.com)-Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay in uu iska casilay jagadaasi iyo Xubinimadii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.
Xarunta Dawlada Hoose ee Laascaanood ayuu ku qabtay Shirjaraa’id oo uu kaga dhawaaqay is casilaadiisa.
Cabdirisaaq Khaliif Axmad oo si weyn u kala fogaadeen mamulka Somaliland kagadaal dagaalka dhowrka bilood ka socda Laascaanood ayaa tallaabadan qaaday kadib xukuumadda Somaliland ay ka gudbisay dacwd ay ku dalbaneyso in la laalo xubinnimadiisa Golaha Wakiillada.