Gudoomiyihii gobolka Sh.Hoose oo xilkii laga qaaday & mid cusub oo la magacaabay.

Mar 3 (Jowhar.com) – Madaxweynaha maamulla Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii maamulka gobolka Sh.Hoose Maxamed Cabdiraxiin Nuur, isagoo xilkaasi mas’uul kale u magacaabay.

Wareegto ka soo baxday madaxweynaha ayaa lagu sheegay in xilka gudoomiyaha gobolka loo magacaabay Ibraahim Aadan Cali Najax oo ahaa Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha Maamulka Koonfur Galbeed.

Mr.Najax waxa ay noqoneysaa markii saddexaad ee loo soo magacaabo gobolka dhul beereedka caanka ku ah ee Sh.Hoose, iyadoo aan la ogeyn sababaha keena in markasta xilka laga qaado mudo yar kadibna dib loogu soo celiyo.

Maxamed Cabdiraxiin Nuur oo ahaa gudoomiyihii xilka laga qaaday ayaa shaqa ka eryidiisa waxa ay ku soo aadeysa xili uu dalka ka maqan yahay, isagoo safar ugu maqan wadanka Ingiriiska, mana jirto wax war ah uu ka soo saaray isbedelka maamul ee dhacay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More