Guudlaawe iyo Lafta-Gareen oo soo gaaray Muqdisho iyo madax kale oo la sugayo

June 08 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowladd goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu soo laabatay dalka, kadib howlo shaqo oo uu dibada ugu maqnaa maalmihii la soo dhaafay.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhaweeyay xubno labada gole ee DFS, Qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Hirshabeelle, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale.

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta-Gareen ayaa goordhow soo gaaray Muqdisho, isagoo ka soo duulay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana soo dhaweyn balaaran loogu sameeyay garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shalay waxaa caasimadda soo gaaray madaxeeynaha Jubaland Axmed Madoobe, isagoo Muqdisho la yimid ilaalo dhar cad ahaa oo kaliya, maadaama meesha laga saaray Farmaajo, wuxuuna hore u wadan jiray askar si aada u hubeysan.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug siciid Deni iyo Axmed Qoor qoor ayaa iyana laga sugayaa Muqdisho, iyadoo beri caasimadda ay ka dhaceyso caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Xasan Shekeh Maxamuud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More