Habraaca Doorashada Golaha Shacabka gobolada Waqooyi oo la soo saaray

Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta si wadajir ah u soosaaray habraaca Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen labadan mas’uul ayaa lagu caddeeyay Shuruudaha laga hordhigay Musharixiinta Golaha Shacabka.

Xilkan ayaa waxaa kaliya u tartami kara qofkii buuxiya 6-da shuruud ay soo gudbiyeen Cabdi Xaashi Cabdullaahi & Mahdi Maxamed Guuleed.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray dhawaan jadwalka diiwaangelinta musharaxiinta golaha shacabka u tartamaysa.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More