Hadal-jeedinta Musharaxiinta Aqalka Sare Hirshabelle oo Jowhar si xiise leh ugaga socota

Hadal jeedinta musharaxiinta u tartamaysa kuraasta Aqalka Sare ee metelaada Hirshabelle ayaa si xiise leh ugaga socota magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa si degenaan ah u dhagaysanaya hadaljeedinta musharaxiinta iyadoo musharax walba la siiyay waqti kooban.

Senatar Xaaji Muuse Suudi oo khudbad u jeedinayay Baarlamanka Hirshabelle ayaa yiri ” Waxii aan soo qabtay ma aqaan oo iima miisaana, Waxa aan qaban doonnana waa Cilmul Qayb oo ma ogaan karo ee Codka isiiya, haddi aad i dhibsateena iga reeba oo ii diida”.

Sidoo kale Proff Dufle oo hore uga mid ahaa afartii sano aqalka sare ayaa hadaljeedintiisa waxaa ka mid ahayd;

“Waxaan taariikhda ku galay liiguna xasuusanayaa in aan lahaa aragtida cisbitaalka Keysaneey in cisbitaal uu noqdo markii horana uu ahaa Xasbi.”

Musharax Raage Hassan Osman “ Xildhibaanada sharafta leh haddaad ii dooradaan kursigaan ma noqon doono mid kursiga ku shaqeeysto ee waxaan noqon doonaa mid bulshadiisa ugu shaqeeyo”

Caaisha Xuseen Abuukar “Aabaheey oo dhaawac ah ayaan u waayay Viso Caafimaad iyo matalaad la’aan is qabsatay dhibataadaas ayaa igu qasabtay in aan Senator isku soo sharxo”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More