Hanti Dhowrka Guud oo Waxba kama jiraan ku tilmaamay Heshiiska 7 xirmo ee Shidaalka

Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday heshiiskii 7 xirmo ee shidaalka oo uu saxiixay Wasiirka Batroolka C/rashiid Maxamed Axmed.

Xafiiska Hanti Dhowrka oo ka jawaabayay warqad Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha u diray oo ahaa in baaritaan ku sameyso, iyadoo ka gudaneyso waajibaadka looga baahan yahay.

Hanti Dhowrka Guud oo ayaa gal dacwadeed ka furay Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud, si ay waajibaakooda waafaqsan u gutaan, natiijada baaristana ay ula wadaagaan Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xafiiska Hantidhowrka ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS kula taliyay in shaqa ka joojin deg-deg ah lagu sameeyo dhammaan shaqsiyaadkii qabyta ka ahaa saxiixa heshiiska illaa inta laamaha garsoorka ay waajibaadkooda kaga aadan ka gudanayaan.

Halkan hoose ka aqriso qoraalada ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo xafiiska hantidhowrka;

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More