Hantidhowraha Guud oo la kulmay maamulka sare ee xafiisyada madaxda Qaranka

July. 03 (Jowhar.com)-Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Gutale ayaa maanta kulan la yeeshay maamulka sare ee xafiisyada Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Shacabka, iyo Aqalka Sare ee JFS.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay baarista Xafiiska Hantidhawrka Guud, warbixinnadii dhawaan lala wadaagay hay’adahaas iyo sidii loo dardargalin lahaa dhaqangalinta talooyinka uu Xafiisku bixiyay.

 

Ugu danbeyn, kulanka ayaa la iskula meeldhigay sidii loo sii xoojin lahaa isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’adaha iyo dowlad wanaagga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More