Haweeney hotel ku dhex dishay taliyihii NISA ee magaalada Doolow

Aug 29 (Jowhar.com)-Wararka ka imaanaya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi saakay lagu dilay taliyihii hayádda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee degmada Doolow Ibraahim Hilowle Xuuseen.

Sida aan xogta ku helnay taliyaha ayaa lagu dhax dilay gudaha hotel kuyaalla degmada Doolow, waxaana halkaasi ku dishay haweeney la sheegay in uu qabay taa oo shalay un gaartay degmada Doolow.

Haweeneyda dilka geestay ayaa la sheegay in taliyaha uu ku bartay magaalada Muqdisho xilli uu shaqo u yimid, waxaana dad ku dhaw dhaw taliyaha noo sheegeen in haweeneyda iyo taliyaha uu dhax maray xiriir guur uuna shalay geeyay degmada Doolow uu degnaa.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in haweeneydan dilka taliyaha u adeegsatay bistooladii uu isagu lahaa, waxa ayna dilka kaddib in muddo ah ku dhax jirtay qolkii ay ku dhax dishay taliyaha.

Ciidamo katirsan nabad sugida oo gaaray hotelka lagu dhax dilay taliyaha ayaa halkaasi ka qabtay haweeneydii dilka geesatay, waxaana ku socda baaritaanno ku aadan sababta ay u dishay ninkeeda, iyadoona la tuhmayo in dilkan uu ahaa shirqool lagala shaqeeyay haweeneydaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More