Haweeney Inkabadan $2 Milyan u aruusisay Shabaab oo xukun lagu riday

0
32

Sep 18(Jowhar)-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta 16 sano oo xabsi ah ku xukuntay Caasho Macallin Mursal Cali, kadib markii lagu helay eedeymo culus oo ku saabsan maalgelinta falal argagixiso, dhaqidda lacago sharci-darro ah iyo taageeridda kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in baaritaanada iyo caddeymaha la horgeeyay maxkamadda ay muujiyeen in eedeysanaha akoonkeeda la marsiiyay lacag dhan $2,120,621 (laba milyan, boqol iyo labaatan kun, lix boqol iyo kow iyo labaatan doollar) taas oo loo adeegsaday maalgelinta argagixisada, lacag dhaqid, iyo falal kale oo sharci darro ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku xukuntay:

Ganaax lacageed oo ah $20,000, In la baabi’iyo akoonkeeda, lana wareejiyo dawladda wixii hanti ah ee ku jirta.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku celiyay go’aankiisa ku aaddan dagaalka ka dhanka ah maalgelinta argagixisada iyo dhaqidda lacago sharci darro ah, isagoo sheegay in cid kasta oo ku lug yeelata arrimahaas sharciga hortiisa la keeni doono.