Haweeney Kusime madaxweyne ka ah dalka kadib safarka Xasan Sheekh.

June 19 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka
diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.

Shinaca kalena, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa noqotay Kusimaha Madaxweynaha dalka, kaddib markii uu maanta safar dibadda u ambabaxay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo shalayna uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu safar dibadda u baxay.

Sacdiya oo ah xildhibaan laga soo doortay Puntland ayaa ah gudoomiye xigeenka koowaad ee golaha shacabka, taasoo u saamaxday iney noqoto kusimaha madaxweynaha dalka, taasoo dalka ka talineysa inta ay sol laabanayaan Xasan Sheekh ama Aasan Madoobe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More