Hawlgalka Ruushka ee Luna 25 ayaa u duulay dayaxa

Ruushka ayaa si guul leh u hirgeliyay Dayax gacmeed nooceedu yahay Luna 25, oo ah duulimaadkii ugu horreeyay ee dalkaas laga sameeyo muddo 47 sano ah.

Dayax gacmeedkan oo aan cidina saarnayn ayaa ka soo kacay Vostochny Cosmodrome ee gobolka Amur ee dalka Ruushka. Luna 25 oo raacday raacitaanka gantaalka Soyuz-2 Fregat, waxay duushay 8:10 a.m. wakhtiga maxaliga ah ee jimcaha, ama 7:10 p.m. ET Khamiista.

Dadka deggan tuulo Ruush ah ayaa si ku meel gaar ah looga saaray subaxnimadii Jimcaha maadaama ay jirto “hal milyankiiba fursad” in mid ka mid ah gantaallada Luna 25 uu ku dhici karo halkaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dayax gacmeedkan ayaa la filayaa in uu marka hore galo wareegtada dhulka ka hor inta aanu u gudbin dayaxa hawada sare ugu danbayna u soo daadagin oogada dayaxa. Duulimaadki ugu dambeeyay ee Ruushka, Luna 24, wuxuu ku degay dayaxa Agoosto 18, 1976.

Luna 25 iyo howlgalka Chandrayaan-3 ee India, oo bilaabay bartamihii bishii Luulyo, ayaa labadoodaba la filayaa in ay ku soo degaan tiirka koonfureed ee dayaxa 23ka Agoosto, waana tartan lagu doonayo in lagu arko waddanka uu marka hore soo degi doono, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Laakiin Roscomos ayaa sheegay in labada howlgal aan la fileyn in ay dhibaato u geystaan midba midka kale sababtoo ah aagagga gaarka ah ee ay ku degi karaan ayaa kala duwan, Reuters ayaa werisay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More