Hay’ad Caalami ah oo sheegtay in dalka Soomaaliya uu ka Amni wanaagsan yahay dalka Ruushka

Jan. 04 (Jowhar.com)Warbixin uu soo saaray Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda (EPI) ee xaruntiisu tahay dalka Australia ayaa lagu shaaciyay liiskasanadlaha ah ee nabadgelyada waddamada caalamka ee sanadkii 2022.
Dalka Soomaaliya ayaa ka sare maray liiskan wadamo badan iyadoo warbixinta lagu shaaciyay in dalka Soomaaliya ay ka hooseeyaan marka dhinaca nabadda la eego illaa 7 dal oo ku kala yaal qaarada Asia,Europe iyo Afrika.

Inkastoo dalka Soomaaliya uu ku jiro tobanka dal ee ugu hooseeya caalamka ayaa hase ahaatee waxaa ay hay’adu shaacisay in wadamada kala ah Ciraaq,DRC,Suudaanta Koonfureed, Ruushka, Suuriya , Yemen iyo Afghanistan.

Sanadkii 2021, Soomaaliya waxay ku jirtay kaalinta 158-aad iyadoo shan dal ay ka hoosaysay, kuwan oo kala ahaa dalalka Ciraaq, Koonfurta Suudaan, Suuriya, Yemen iyo Afghanistan.

Liiska ay hay’adan soo saartay ayaa tobanka dal ee ugu ammaanka wanaagsan waxaan ka mid ahayn wadamada Maraykanka, Ingiriiska, Canada, Jarmalka iyo Faransiiska.
Tobanka dal ee ugu amniga wanaagsan caalamka ayaa kala ah
Iceland
New Zealand
Ireland
Denmark
Austria
Portugal
Slovenia
Czech Republic
Singapore
Japan
Waddanka Afghanistan ayaa isagu ku jira kaalinta ugu hooseysa sanadihii u dambeeyay maaddaama ay xasilooni darro ka jirtay tan iyo markii ay Taalibaan la wareegeen dalkaasi iyo ka hore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More