Hay’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo xarun weyn oo cusub ka hirgalisay Dhuusa-mareeb

Jun. 12 (Jowhar.com)-Agaasimaha guud ee hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo uu wehlinayo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa wadajir xariga uga jaray jaray dhismaha cusub ee Hay’adda ee Dhuusamarreeb, taasoo noqon doonta mid laga maamulo xarummo kala duwan oo ku yaalla deeggaannada Dowladda Galmudug.

Munaasabada xarig jarka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiiro iyo xildhibaano heer federal iyo maamulka Galmudug ahaa iyo mas’uuliyiin kale.

Agaasimaha guud ee hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa madasha ka sheegay in talaabadan ay qeyb ka tahay qorshe ay ku doonayaan in dhamaan gobolada dalka ay xarumo uga hirgalinayaan, si loo fudueeyo adeega hay’ada ay u heyso shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Galmudug Qoor qoor ayaa sheegay in xafiiskaan uu muhiimad weyn u leeyahay dadka reer Galmudug, ayna dadaal badan u galeen sidii dadku iyagoo magaalooyinkooda jooga ay u heli lahaayeen adeegga ay bixiso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More