Hay’adda Hili Afrika oo kulan loogaga hadlayay dhibaatada Gudniinka Fircooniga ku qabatay Jowhar

Kulan loogaga hadlayay dhibaatooyinka uu gudniinka fircoonigu u leeyahay dumarka Soomaaliyeed ayna soo qabanqaabisay hayada Hili Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay maamulka dowlad goboleedka Hirshabelle,maamulka gobolka sh.dhexe,maamulka degmada jowhar,qeybaha kala duwan ee ururada bulshada sida ururka haweenka, dhalinyarada, duubabka dhaqanka, aqoonyahanada iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyntii waxaa kulankan warbixin ka soo jeediyay Agaasimaha hay’ada Hili Afrika Hirshabelle ahna wakiilka Soomaaliya ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cabdicasiis Guure Faarax waxana uu ka warbixiyay ujeedka kulanka isagoo xusay inuu yahay sidii ay bulshada uga feejignaan lahayd dhibaatada uu gudniinka fircoonigu leeyahay.

Agaasimaha hili afrika Ms Gloriya oo kulankan ugaga qeybgashay aalada foggaan araga ayaa ka hadashay dhibaatada uu leeyahay gudniinka fircooniga. Sidoo kale Fardowso Khaliif Xuseen oo ka mid ah hayada hili soomaaliya ayaa si qotodheer ugaga hadashay waxa uu yahay gudniinka fircooniga iyo weliba dhibaatada uu leeyahay.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka warbixiyay dhibaatada gudniinka gudniinka fircooniga Dr Maxamed Cabdiraxmaan Qaliif.

Kulankan oo ay fulisay hayada hili soomaaliya waxaa gacan ka geystey hayada UNFPA, ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha ururka haweenka gobolka sh.dhexe marwo Madiino Caddow iyo duqa magaalada Jowhar sheikh saalax muudey cali,

Ugu dambeyntii waxaa kulanka ka hadlay guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka sh/dhexe Maxamed Toxobow Cabdi waxana uu u mahadceliyay hayada Hili Afrika barnaamijkan ay soo gaarsiisay gobolka Sh/dhexe.

Kulankan oo ahaa mid si saraaxad leh loogaga dooday dhibaatada gudniinka fircooniga uu u leeyahay gabdhaha soomaaliyeed ayaa waxaa u ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More