Hay’da NIRA oo Muqdisho ku qabatay shirkii 2-aad ee Aqoonsiga Qaranka

31

Nov 24(Jowhar)-Maanta waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmaya Shirwaynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, khubaro ku takhasustay nidaamyada aqoonsiga, iyo marti sharaf kale oo caalami ah. Waxaa si gaar ah goobta ugu sugan wafdi ka socda dalka Baakistaan, kuwaas oo ah taabageliyeyaasha mashruuca guud ee dowladda Soomaaliya u diyaarinaya nidaamka casriga ah ee aqoonsiga dadweynaha.

Ujeeddooyinka shirwaynuhu waxaa ka mid ah:

• In la dardar-geliyo hirgelinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka.

• In la mideeyo hay’adaha dowladda ee ka shaqeeya xog ururinta iyo diiwaangelinta muwaadiniinta.

• In lala wadaago shacabka horumarka iyo caqabadaha ku wajahan hirgelinta nidaamka aqoonsiga dhijitaalka ah.

Shirkan ayaa la filayaa inuu socdo muddo laba maalmood ah, iyadoo gunaanadka laga soo saari doono talooyin iyo qorshayaal lagu horumarinayo nidaamka aqoonsiga qaranka ee dalka.