Hirshabelle oo guddiga doorashada ka dalbatay in la fasoxo kursiga Fahad Yaasiin

April 14 (Jowhar.com)- Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay iney sharci daro tahay talaabada guddiga doorashooyinka heer federaal ay ku hakiyeen kursiga HOP086, kaasoo Beledweyn uu ka soo qaatay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

” Hirshabeelle waxay cadeeyneysaa in doorashada kursigaas loo maray hannaan waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii doorashooyinka oo sax ah, goobjoogna ay ka ahaayeen Gudiyada SEIT, FEIT iyo Gudiga xalinta khilaafaadka, wax cabasha ahna aysan ka imaanin beesha leh kursigaas iyo murashaxiintii ku tartantay sidaas darteedna ay natiijadiisu tahay mid sax ah ayaa lagu yiri” Qoraalka Hir-Shabeelle.

HirShabeelle ayaa ka dalbatay Gudiga FEIT iney fasaxaan kursiga HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran si looga fogaado waxkasta oo dib udhac u keeni karo doorashada dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay maamulka

” Hirshabelle waxay cadeynaysaa in kursiga tirsigiisu yahay HOP086 aysan jirin wax habraac qaldan ah balse loo heysto dano siyaasadeed taasina waxaa cadeyn u ah in gudiga FEIT uu fasaxay kuraastii lala hakiyay iyadoo aysan jirin wax habraac qaldan ah oo lasaxay, arintuna ay tahay anigaa qabsaday anigaana fasaxay tasoo muujineeyso kutakrifal awoodeed.

Si kastaba, fariintwm culus ee Hirshabekke ayaa timid kadib markii Guddiga doorashooyinka heer federaal uu xalay fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, halka uu go’aamiyey in lagu laabto doorashada HOP154, balse aanu soo hadal qaadin kursiga Fahad ee HOP086

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More