Hirshabelle oo shaacisay qabashada 2 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka

Mar 31 (Jowhar.com) – Guddiga Hirgalinta Doorashada Hirshabelle ayaa shaaciyay Guddiga Xulista Ergada (GXE) iyo Jadwalka cusub ee labada kursi ee tirsigoodu yahay HOP#019 iyo HOP#059.

Waxaa uu guddigu sheegay in diiwaangelinta ergada iyo diiwaangelinta musharaxiinta labadan kursi ay dhacayso 1da bisha April oo ku beegan Jimcaha halka doorashaduna ay dhacayso 2da bisha April oo ah maalinta Sabtida.

Labadan kursi ayaa waxaa hore ugu fadhiyay labo dumar ah hase yeeshee guddiga ayaan u xirin dumar labadan kursi iyadoo laga dhigey mid furan.

Maamulka Hirshabelle ayaan weli soo dhamaystirin doorashada xildhibaanada golaha shacabka iyadoo weli ay ka dhiman yihiin kuraas deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More