Hogaamiyayaasha Carabta oo diiday barakicinta qasabka ah ee lagu hayo Falastiiniyiinta

Oct 21 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay inuu diidan yahay barakicinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta lagu hayo gacanka Sinai, iyadoo kolonyadii gargaarka u horeysay ay galeen Gaza ka dib laba toddobaad oo dagaal ah.

Isagoo ka hadlayay shir madaxeed ka dhacay Qaahira, ayuu Mr Sisi sheegay in xalka kaliya uu yahay dowlad madax banaan oo ay helaan Falastiiniyiinta.

Shir madaxeedka ayaa billowday iyadoo 20 baabuur oo sida gargaar ay ka gudbeen xadka Rafah. Hase ahaatee ururada samafalka ayaa ka digay inaysan ku filnaan doonin baahida ka jirta Qaza.

Ilaa 500 oo baabuur oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa galayay Gaza maalin walba ka hor inta uusan dagaalku bilaaban.
Ilaa 1.2 milyan oo qof oo ku nool dhulkaas ayaa mar horeba ku tiirsanaa cunno gargaar ah, Qaramada Midoobay ayaa tiri.

Qaramada Midoobay ayaa mas’uul ka noqon doonta qaybinta gargaarka, iyadoo laga yaabo in inteeda badan loo diro iskuullada Qaramada Midoobay oo kumannaan ay gabbaad iyo isbitaallo ahaayeen.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in gargaarka uu yahay koonfurta Gaza oo kaliya, waxaana ay ku celceliyeen baaqyo loogu baaqay dadka ku nool waqooyiga Marinka Qaza in ay ka baxaan guryahooda.

Shir-madaxeedka ayaa ujeeddadiisu tahay in laga hortago fiditaanka colaadda. Si kastaba ha ahaatee ma jiro masuul sare oo Maraykan ah oo ka qayb qaadanaya, madax badan oo reer Yurub ah ayaa iyaguna halkaas joogin.

“Dabar-goynta qadiyadda Falastiin haddii aan la helin xal cadaalad ah weligeed ma dhacayso, mana dhici doonto weligeed in Masar ay wax ka qabato si kasta,” ayuu yidhi Mr Sisi.

Hadalkiisa waxaa taageeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Faysal bin Farxaan Al-Sacuud.

Maxamuud Cabbaas, oo ah madaxa maamulka Falastiiniyiinta ee gacanta ku haya aagagga la haysto ee Daanta Galbeed balse aan Xamaas maamulin marinka Gaza, ayaa sidoo kale sheegay in Falastiiniyiinta aan lagu qasbi karin inay baxaan.

“Weligay ma aqbali doono in la raro, waxaan ku sugnaan doonaa dhulkeena caqabad kasta oo nagu timaada,” ayuu yiri.

Masar iyo dalalka kale ee Carabta ayaa horey u sheegay in qulqulka qaxootiga Falastiiniyiinta ee ka cararaya dagaalka ay tahay mid aan la aqbali karin, sababtoo ah waxay la mid tahay in Falastiiniyiinta laga saaro dhulkooda.
Dhanka kale Boqor Cabdallaha Urdun ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray “ka aamusnaanta caalamka ee werarada Israel ee Gaza”.

“Fariinta dunidu Carabtu maqlayso ayaa ah in nolosha falastiiniyiintu ay ka yar yihiin kuwa Israa’iil,” ayuu yiri.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK James Cleverly ayaa u sheegay madaxdii ka qeybgashay shir madaxeedka in uu dowladda Israa’iil kala hadlay waajibka ka saaran in ay ixtiraamto shuruucda caalamiga ah iyo ilaalinta nolosha dadka rayidka ah ee Gaza.

Intii lagu guda jiray khudbadiisa shir madaxeedka, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres wuxuu ku baaqay xabad joojin bini’aadantinimo dagaalka, isagoo dalbanaya tallaabo caalami ah oo lagu soo afjarayo riyooyinkan xun.

Israa’iil ayaa duqeymo aargoosi ah ku billowday Qaza kaddib weerar ay garabka militariga Xamaas ku qaadeen Israa’iil 7-dii Oktoobar, oo ay ku dileen 1,400 oo qof, qaar badan oo ka mid ah guryahooda oo ku yaallay kibbuuzes oo u dhow Gaza iyo xaflad muusig oo ka dhacaysay meel u dhow.

Israa’iil ayaa sheegtay in in ka badan 300 oo askari ay sidoo kale ku dileen weerarka, Xamaasna ay Qaza ku qafaasheen in ka badan 200 oo qof.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza ayaa sheegtay in in ka badan 4,300 oo qof ay ku dhinteen duqeymaha cirka ee Israa’iil, kuwaas oo kala bar ay yihiin haween iyo carruur.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More