Hoggaamiyaha Dacmu Sariic ee Suudaan oo ku dhawaaqay xabad joojin hal dhinac ah
Apr. 18 (Jowhar.com)-Hogaamiyaha ciidamada ”Dacm-sariic” ee dalka Suudaan, Maxamed Xamdaan Ximeydti ayaa ku dhawaaqay Xabad joojin hal dhinac ah muddo 24 saacadood ah.
Milatariga Suudaan oo dhinacooda war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in aanay dhankooda ogayn wax xabad joojin ah oo la isku raacay.
”Ma ogin xabad joojin la isku raacay, waxaa uu doonayaa in uu ku qariyo jabka kasoo gaaray dagaalka. waana soo dhawaatay xiligii soo afjarida maleeshiyaadka amar diidka ah” ayaa lagu yiri Bayaanka Milatariga.
Waxaa jiray baaqyo dhowr ah oo caalami ah oo ku aaddan joojinta dagaalka – kaasoo hadda galay maalintiisii afraad oo sababay dhimashada ku dhawaad 200 oo qof.