Hoggaamiyaha SSC oo kulamo xasaasi ah ka bilaabay magaalada Muqdisho
Oct 07 (Jowhar.com)-Hoggaamiyaha SSC Khaatumo C/qaadir Axmed Firdhiye ayaa hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ka bilaabay kulamo uu kula qaadanayo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo qeybaha kale ee bulshada rayidka.
Xubnaha uu la kulmay waxaa kamid ah Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Sarreeyo Guuto Sulub Axmed Firin, iyo masuuliyiin kale.
Mr. Firdhiye oo shalay si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho ayaa ku amaanay xubnahan sida ay usoo booqdeen, wuxuuna warbixin ka siiyay xaalada deegaanada SSC Khaatumo oo uu hoggaanka u yahay.
Sida xogaha tilmaamayaan, C/qaadir Firdhiye ayaa maanta lagu wadaa inuu kulan gaar ah la yeesho ra’iisul wasaaraha dalka Xamze Cabdi Barre, waxa ay ka wada hadli doonaan siyaasada dowladda ee SSC Khaatumo.