Hoggaamiyihii kooxda Wagner oo sheegay inaysan dooneyn inay afgambiyaan madaxweye Putin

June. 26 (Jowhar.com)-Hoggaamiyaha kooxda Calooshood u Shaqeystayaasha Wagner ee Yevgeny Prigozhin oo markiisii ugu horeysay hadlay tan iyo markii maleeshiyaadkiisa ay la wareegeen magaalooyin ayna ku dhowaadeen caasimada Ruushka ee Moscow ayaa sheegay in ciidamadisa aysan dooneyn inay afgambiyaan Madaxweyne Putin.

Prigozhin ayaa soo dhigey fariin cod ah oo soconeysa 11-daqiiqo barta Telegram, ayaa sheegay in dhacdooyinka isbuucaan ay ahaayeen mid loogaga soo horjeeday taliyayaasha ciidamada Ruushka, balse aysan ahayn in la afgambiyo dowlada.

“Ujeedka socodku wuxuu ahaa inaan ka fogaano burburinta Wagner iyo in lala xisaabtamo mas’uuliyiinta ficiladooda aan wanaagsanayn ee ku kacay khaladaad tiro badan,Umaanan socon in aan afgambino hoggaanka Ruushka.”ayuu yiri hoggaamiyaha kooxda Wagner oo musaafuris haatan ku jooga dalka Belarus.

Hoggaamiyaha Kooxda Wagner ayaa intaa ku daray in ciidamadiisa aysan wax qandaraas ah la saxiixin wasaaradda gaashaandhigga Ruushka.

Hase yeeshee war ka soo baxay Aqalka Kremlinka maanta ayaa lagu sheegay in ciidamada Wagner ay qandaraasyo la saxiixan karaan wasaaradda ka dib marka ay ku laabtaan xeryaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More