Hoos u dhac kalluumeysiga oo soo wajahday kalluumeysatada Kenya

Hubanti la’aan ayaa soo wajahday bulshooyinka kaluumeysiga xeebaha dalka Kenya kadib go’aan kasoo baxay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee Qaramada Midoobay (ICJ) oo inta badan baddii la isku haystay u xukmisay dalka Soomaaliya.

Dhulkan xeebta ku fadhiya oo dhan 100,000 kiiloo mitir laba jibaaran ayaa ah xuddunta muranka badda ee u dhexeeya labada dal ee deriska ah tan iyo sannadkii 2014-kii.

Ururada Kalluumeysiga Kenya iyo hogaanka dowlad goboleedka Lamu ee dalka Kenya ayaa soo saaray qoraalo ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan go’aanka maxkamada ICJ.

“Waxaan lumin karnaa ilaa 7.5 bilyan KES (EUR 57.6 milyan USD 67.1 milyan) oo dakhli qiimahiisu yahay sannadkii,” ayuu sheegay Madaxa Kalluumeysiga Lamu Simon Komu.

Guddoomiyaha Ururka Kalluumeysatada Lamu Somo Bin Somo ayaa sidoo kale sheegay in waayista goobaha kalluumeysiga, gaar ahaan aagga kalluumeysiga ee Kiunga, ay ku qasbi doonto kalluumeysata badan in ay gebi ahaanba isaga tagaan kalluumeysiga.

“Ma aha oo kaliya in boqolkiiba 80 dhaqaalaha Lamu uu ku tiirsan yahay qaybta dhaqaalaha buluugga ah, laakiin 65 boqolkiiba goobaha kalluumeysiga ee qaniga ah ee Lamu waxay ku salaysan yihiin biyaha badda ee lagu muransan yahay ee degaanka Kiunga.”

Gobolka Lamu ayaa diiwaan geliyay 7.2 boqolkiiba hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha sanadka 2020, sida laga soo xigtay Xafiiska Tirakoobka Qaranka ee Kenya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More